domenica 28 febbraio 2016

Intee sanadood ayay beeraleydu ku jiraan dhibaatada?

Hordhac
    Hadda ka hor ayaan wax ka qoray dhibaatada ka jirta degmada Afgooye iyo sababta keentay. qoraalkaygaas wuxuu cinwaankiisu ahaa: AFGOOYE, XAGAL KA MIDA JANNADII DHULKA. MUDNAAN LAHAANSHAHEEDA OO MARBA MARKA KA DAMBAYSA  MUGDI SII GALAYSA.  Maqaalkaygan ayaa haddana wuxuu ku saabsan yahay qodob kaasi la mid ah.
Eeg, Soomaaliya waa dal ku yaala Geeska Afrikada bari (corno dell'Africa orientale) waana dad muslimiin sunni ah. Dadka Soomaaliyeed waxay u kala qaybsamaan marka loo eego degaanka ay ku kala nool yihiin; reer wabi (beeraley), reer xeebeed iyo, reer guuraa (xoolo dhaqato). Soomaaliya waxaa mara laba webi oo la kala dhoho, Jubba iyo Sihabelle.  dadka dega degaan uu wabi maro ayaa la dhahaa reer wabi, balse degaanada uu maro wabi shabelle gaar ahaan gobolka shabeelaha hoose waxaa loo yaqaanaa dhoobeey dadkana waxaa loogu yeeraa reer dhoobeey.
     Afgooye, waxa uu  ka mid yahay degaanada uu maro wabiga shabelle dadkiisuna 85% waa beeraleey. waa dad muddo dheer lahaa is maamul dhaqaneed ay isku racsanaayeen qabaa'ilka uu ka kooban yahay dadka la isku yiraahdo Galadi iyo dadyowgii kale ee hoos iman jiray, waxaa ka dhisnaa saldanad ay u dhan tahay dhammaan hay'adihii asaasiga ahaa ee uu yeelan karo maamul ku dhisan kala dambayn iyo wada tashi.markii uu gumaysigii reer galbeedka uu soo caga dhigay degmada Afgooye ka dib ayaa waxaa bilaabmay liicitaankii saldanaddii xooga badnayd aadka looga yiqiinay Soomaaliya. waayo, falsafaddii reer galbeedka ee shirkii baarliin ee1884-tii oo ahayd qabi oo xukun ayaa ka hirgashay afgooye tuhun iyo kala shaki ayaa soo if baxay nidaamkii wada tashiga ku dhisnaana waxaad moodaa inuu burburay. taasna waxay keentay in indha lagu soo taago sidii loola wareegi lahaa dhul beereedkii.
 
GOORMA AYAY BILAABATAY QABSASHADA DHULBEEREEDKA IYO DHIBAATADA LAGU HAAYO BEERALEYDA?
 De Martino oo ka mid ahaa golaha odayaasha Talyaaniga (Senatore) ayaa waxaa loo soo magacaabay gonernor-ka Soomaaliya, xilligii La Somalia-Italiana. De martino oo samaystay qorshe ayaa nn D'Onor la yiraahdo oo khabiir dhanka beeraha ahaa uga yeertay dalka Talyaaniga,
Bishii febraayo 1910 kii ayuuna ka howlgalay Romolo D'Onor dhulbeereedkii dhanka shabeelaha hoose. Bishii Jannaayo 1911 kii Romo;o D'Onor wuxuu yimid Magaalada Afgooye, si fiican ayuuna xaaladda degaanka ugu kuur-galay. Markaasi waxaa bilaabmay gumaysi beereed. Oo dadkii degaanka u dhashay (indigenous) ayaa qasab looga dhigay inay ka shaqeeyaan beeraha.
Ma dhihi karnaa beeraleyda waxaa uu dhibkoodu soo bilaabmay 1910-neeyadii ? HAA !. 60 sanadood oo gumaysigii reer galbeedka (colonia Italiana) ahaa, 21 sanadood oo ahaa xilligii kacaanka iyo in ka badan 26 sanadood oo ahaa xilliyadii kala duduwanaa ee lagu jiray dagaaladii sokeeye. (Salballaar, xisbul islaam, shabaab, dowlado ku meel gaar iyo dowlad rasmi) ..  in ka badan 100 sanadood ayuu jiraa dhibka beeraleyda haysto.
   Sidee uga bixi karaan?.
Si beeraleydu uga baxdo dhibka haysta, laba arrimood ayaa u furan:
1. In ay is hubeeyaan oo ay la dagaalamaan  tuugada (mooryaanta) beerahooda haysta.
2. In ay sameeyaan bannaanbaxyo ay ku muujinayaan in beerahooda xoog lagu haysto dacwadna qoraan.
Haddii intaasi la waayo waxaa weli MUGDI ku sii jiraaya sheegashada mudnaanlahaanshaha Afgooye.
Nimaan hadlan hooyadii wa ma siiso.

Waxaa qoray:
Dr. Abdulrahim Ali Yusuf.

domenica 3 gennaio 2016

Hoyga Cabsida!


Aamusnaanta micnaheedu waa ka raali noqosho!
  Labaatan sanadood in ka badan shacabka degmada Afgooye Wuxuu u dulqaatay nooc kasta oo dhibaata ah, hadday noqon lahayd; dil, kufsi, dhac, handadaad, iyo.... iyo....iyo......
   26 ka sannadood oo uu waddankan burbursan yahay ma jiro, ugu yaraan hal qof oo degaanka u dhashay oo ka hadlay marka laga reebo faalooyinka (comments) la dhigo baraha internetka ee bulshada ku kulanto (social media). Yaa looga baahan yahay inuu ka hadlo ?degmada Afgooye waxay leedahay hoggaamiye dhadqameedyo, culumaa'uddiin,  aqoon yahanno, haween, dhallinyaro, oo laakiin midkoodna lahayn gole ay ku midaysan yihiin.
    Sabab?
Ma rabo inaan hadda ka hadlo waxyaabo hore u soo dhacay iyo shaqsiyaadkii xilliyadaas jiray midna, balse, tan iyo intii ay dhaceen dagaalladii sokeeye, falal qaab daran ayaa ku soo kordhay degaanka iyo bulshada dhexdeeda Labadaba, kuwaasoo aan ognahay inay abuureen ceeryaamo dadka kala dhex gashay, kala  shakina uu bilaabmay. Kadib?
La soco in aysan meesha ka marnayn la saaxibidda mooryaanta! Intaas kadib waxaa samaysmay kooxo danleey qorrax joogto ah islamarkaana isu qaabeeyay inay ayagu yihiin dadkii lagala tashan lahaa degaanka. Inta kale waxay ka gudbi waayeen buunda.
  Cabsi:
Qof kasta oo Isku daya inuu dadka wacyigeliyo waxaa lagu waaninayaa inuusan arrimahaasi faragashan oo niyadda ayaa laga dilaa Sidaas ayuu asagana ugu biirayaa hoyga cabsida!.
Xal:
Arrimahaas oo is wada biirsaday awgood aad bay u adag tahay in la raaco xal kasta oo la soo jeediyo. Si kastaba, xalka Wuxuu ku jiraa oo keliya in Gayiga Somaliya ay ka dhalato xukuumad awood badan oo hanata  awooda soona celiya kala dambaynta. Ama.........?

    
Dr. Cabdulraxiim Cali Yuusuf
Abudeqow@gmail.com /jiinjoogto@hotmail.com

  

    
  
  

 

lunedì 10 agosto 2015

TIMIRTA



Fa'iidada cunidda Timirta.

      1. Timirtu wax cholesterol ah ma lahan, dufantana kuma badna waxaa kabuuxa fitamiino (vitamins) iyo macaadin (minerals).
     
      2. timirta waxaa ka buuxa borotiin (proteins) iyo fitamiinada kala ah, B1, B2, B3  B5 iyo A1 iyo Ac.

     3. Waxay wanaajisaa dheefshiidka.

     4. waxay dhalisaa tamar waayo, waxaa ku jira sokorta dabiiciga ah sida:guluukoos-ta (glucose), sarkoos-ta (sucrose) iyo faruktoos-ta (fructose), si timirta faa'iido badan looga helo waxaa lagu daraa caano (haddii aad heli karto caano ari), markaas waxay kuu noqonaysaa cunto fudud oo nafaqo leh.

     5. Timirta waxaa ka buuxa botaasiyam (Potassium) oo waxay u roon tahay oo ay nidaaminaysaa habdhiska dareenka. Waxaa la ogaaday haddii botaasiyamta la qaato ilaa xad cayiman (to a certain extent) waxay yareynaysaa dhib ku yimaada maskaxda. Timirtu waxay hoos u dhigaysaa      (LDL cholesterol low-density lipoprotein).
    
     6. Timirta waxaa ku jira xaddi aad u badan oo birta ah (Iron) waxayna daawo u tahay dhiig yaraanta (anaemia). Timirta waxaa kaloo ku jira foloriin (fluorine)  tasoo aad dib uGu dhigaysa ilkaha oo jajaba.

     7. Timirtu waxay wax u tartaa dadka calooshu fadhido, si timirtu u noqoto mid waxtar badan dhex-dhig dareere (biyo ama caano) habeenkii oo dhan subaxiina caano ku shiid kuna dar malab iyo hayl shiidan dabadeed cab.

     8. Timirta waxay kordhisaa rabitaanka galmada, gacan mugged oo timir ah caano ari kula dhig habeenkii oo dhan.

     9. Timirtu waxay faa'iido u leedahay dadka caatada ah.

   10. Timirtu waxay dawaysaa kansarka ubucda ama caloosha (abdominal cancer). wanaaga timirta waa inaysan wax saamayn ah ku lahayn xagga jirka, waa dabiici kana fiican dawooyinka, waxay sidoo kale hagaajinaysaa aragga, oo waxaa lagu dawayn karaa hamiinisowga (night blindness).

timir


                                                                       



                                                                        Dr. Abdulrahim Ali Yusuf
                                                                     e-mail: ayfo_org@yahoo.com

domenica 9 agosto 2015

Akhri waxa dhacaayo haddii aad biyaha qumbaha cabtid 7 maalmood

Dadku, inta badan waxa ay sheegaan in biyaha qumbaha uu saamayn cajiib leh uu ku yeelan karo caafimaadkeena.
   waxaad maqmaqli jirtay wanaaga saliida qumbaha iyo faa'iidooyin kale oo uu yeelan karo qumbaha. qoraalkan ayaa waxaad ka baran dontaa faa'iidooyinka waawayn ee biyaha qumbaha ay leeyihiin oo laga yaabo inaadan weligaaba maqlin. Waayadan dambe biyaha qumbaha aad ayaa looga isticmaalaa adduunka. caadi ahaan si fudud ayaa looga helaa suuqyada.
   Dhadhan ahaan biyha qumbaha ma fiicna, laakiin inay saafi yihiin caafimaadkana faa'iido u leeyihiin dood kama taagna.
                             
    Faa'iidada biaha qumbaha.
        Biyaha qumbaha waxay xoojiyaan awooda difaaca jirkaaga (your immune system) waxayna burburiyaan bacteeriyada keenta jeermiska (infection) habdhiska kaadida, gonorrea (jabtada). cudurka ku dhaca cirridka iyo fayraska keena xummadda, iyo cudurrada caloosha. waxay horumaryaan tamartaada, waxayna hagaajiyaan soo saaridda hoormoonada ee qanjirada thyroid. Biyha qumbaha waxay aad u taageertaa nadiifinta habdhiska kaadida iyo marinnada kaadi haysta (the bladder channels), sunta (toxins), dhagaxyda kelyaha ku jirana waa la burburin.
    Biyaha qumbaha waxaa ku jira xaddi badan oo fiber ah kuwaasoo wanaajinaaya habdhiska dheefshiidka. Haddii biyaha qumbaha si caadi ah loo isticmaalo waxaa meesha ka baxaaya (gastric acid) gaaska. heerka dufantiisa oo aad u hooseeya darteed wax badan baad ka cabi kartaa biyaha qumbaha waxayna yraynayaan rabitanka badan ee cuntada (appetite) waxaad iska ahaanaysaa qof dheregsan taasoo yareynaysa culayskaaga (losing weight), suufka biyaha qumbaha ku jira ridiq dabadeenda saar haddi aa findoob ( acne) ka cabanaysid. haddii aad dareemaysid maqaarkaaga oo qalalan biyha qumbaha waxay maqaarka ka dhigaan mid aad u nadiifsan oo jilicsan (fresher), duleelada mqaarkana way furmayaan. Haddii aad ku qsto saliida saytuunka (olive oil) waxaa nadiifsamaaya xubnaha jirkaaga iyo sidii meesha looga saari lahaa deris-ku-noolaha xiidmaha (bowel parasites). Cabitaanka biyaha qumbaha xillia uurka waxay xal u noqonayaan qaar ka mida xanuunada koob biyaha qumbaha ah wuxuu dheeli-tirayaa electrolytes-ka jirkaaga. La soco dheelitiran la'aanta electrolyte-ka jirkaaga wuxuu keenayaa dhiig-kar sare (hypertension), haddii aad rabto in mar walba jirkaagu iftiimo cab koob biyaha qumbaha ah. haddii tamar badan (more energy) aad lumisay adoo jimicsanaaya ama aad howlo kale qabatay, waxay tamartaada ku soo noqon kartaa adoo caba biyaha qumbaha. Biyaha qumbaha waxay ku siinayaan hab difaac xoog badan, bakteeriyada iyo infakshanka (infection) oo laga nabad galo iyo faa'iidooyin badan oo caafimaadka ku shuqul leh.

                                                                                             
                                                                           
                                                                                               Dr. Abdulrahim Ali Yusuf
                                                                                                    ayfo_org@yahoo.com

martedì 25 novembre 2014

The madness that acts!

You know, people are much more intelligent than animals that Allah created. But people are different according to be wise and understanding. Some people's conscience are very low, while others have a wide and an open mind. Those who their conscience is very low (marka geel loo heesaayo ayay ari u heesaan), they speak only on what they dreamt in the night. they try to imitate what other people say. they are lack of conscious. They sometimes call themselves what they are not. they are irritable and angry.They mostly forgers the activities of other people like, writings, titles, words etc. They think they know more things than others. The worst thing of this people is, they want only talking they donot want to listen Ideas of others or they grab the speech when they know the subject of the speech and began to talking pla, pla pla... They only pretend what they see among the people, they are referred to as : The madness that acts. (waalida dhaqanta).
These people have the three signs of hypocrical; 1- when they speak , they lie. 2- when they promise,they break. 3- when they are entrusted they betray.
   My Allah make them pass the wright path and give them a good health.

Dr. Abdulrahim li Yusuf