venerdì 10 febbraio 2017
venerdì 15 luglio 2016
Mudnaan lahaansho
Mudnaantaada mugdi bay gali haddaadan midoobin
Sidii loola wareegay beerihii beeraleyda KGS
HORDHAC.
Soomaaliya waa dal ku yaala geeska Afrikada bari (Il corno dell'Africa orientale) oo 99% dadkeedu ay yihiin Muslimiin sunni ah. Dadka Soomaaliyeed, marka loo eego degaanka ay deggan yihiin waxaa loo kala qaybiyaa: reer wabi, reer xeebeed iyo reer guuraa.
Soomaaliya waxaa mara Laba wabi oo la kala yiraahdo jubba iyo shabelle. Wabiga shabelle ayaa wuxuu maraa gobollada Hiiraan, shabellaha dhexe iyo shabellaha hoose. Dadka dega degaan uu wabi maro ayaa loogu yeeraa; reer wabi. Sidoo kale dadka (the indigenous) dega gobolka sh hoose gaar ahaan degaanada uu maro webiga waxaa mararka qaar loogu yeeraa; reer dhoobeey. hadda ka hor waxaan maqqaal sidan oo kale ka qoray sida ay u jirto koox kooxdu xilligii ay soo bilabatay iyo waxay dhalisay, qormadaas waxaan siiyay laba cinwaan oo midna guud ahaa;AFGOOYE, XAGAL KA MIDA JANNADII DHULKA. iyo cinwaanka ujeedada qormadaas oo ahaa; WAXA MARBA MARKA KA BAMBAYSA MUGDI SII GALAAYA MUDNAAN LAHAANSHAHEEDA.
Qorshahii Giacomo De Martino.
De Martino wuxuu ahaa nin ka tirsanaa golaha odayaasha Talyaaniga (senaore), oo Benito Mussolini uu u soo magacaabay xilligii dowladdii mustacmarada ee (La Somalia Italiana) inuu governatore uga noqdo. Ka dib wuxuu indhaha ku taagay dhulbeereedkii gobolka shabeelaha hoose, kadibna wuxuu talyaaniga uga yeertay nin khabiir xagga beeraha ahaa oo Romolo D'Onor la oran jiray 1910kii.
Jannaayo 1911-kii Romolo wuxuu gaaray Afgooye, dhowr jeer ayuu ku soo laablaabtay Afgooye oo uu si gaar ah isha ugu hayay. dhowr qoys oo beeraley ahaa oo laga keenay Talyaaniga ayaa kuwii ugu horeeyay la keenay Afgooye. Inkastoo dadka degaanka (reer dhoobeey) ay ka soo jeedeen haddana go'aankii gumaysiga ayaa ahaa (sistema a successo obbligatorio) in natiijadu noqoto mid ku timaada nidaam qasab ah. Afgooye ayaa laga hirgeliyay beer tijaabo rasmi ah. ka dib qoysas fara badan ayaa Talyaaniga laga keenay kuwaasoo la dejiyay dhoobeey oo ay Afgooye ka mid tahay, beero Aseendooyin (Aziende) waawayn bayna ka samaysteen iyagoo ay u adeegayeen dadka degaanka.
Giacomo de Martino
xilligii wesaayadda ( during trusteeship)
Ku soo noqoshadii gumaysigii Talyaaniga ee koofurta Soomaaliya 1950-kii, arrimo badan ayaa ku hoos jiray kuwaasoo gumaysigu rabay inuu meesha ka saaro ugana hor tago inaan la soo bandhigin xogag badan oo ku saabsanayd tacaddiyadii iyo dhibaatooyinkii gumaysigu ka gaystay gobollada kofureed gaar ahaan koofur galbeed (degaanada beeraleyda), iyo in sidii gumaysigu u sii haysan lahaa beerihii ay dejiyeen reerihii gumaysi (colonial family) ee la soo daad gureyay bilowgii gumaysi beereedka 1910-kii. Markii Ingiriisku yimid koofurta Soomaaliya, ayuu Ustaad Cusmaan Maxamed Xasan (Ustaad Cusmaan) u gudbiyay qoraal dheer oo dhowr bog ka koobnaa oo ku caddaa dhibaatooyinkii Talyaanigu ka gaystay Koofurta Soomaaliya (HUMAN RIGHTS VIOLATION). ( Ku soo noqoshada Talyaaniga ee Koofurta Soomaaliya oo aan ku faahfaahin doono isla buugan) ayaa waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya la siiyo fursad si ay u helaan aqoon siyaasadeed iyo ismaamul.
Heshiiskii qaramada midoobay (UN) ayaa ahaa; in maamulkii wesaayadda ee Talyaaniga (AFIS-amministrazione Feduciaria Italo-Somalo) inay u diyaariso Koofurta Soomaaliya xornimo-siin toban (10) sano gudahood.
1954, wada hadal dhex maray hay'ad Maraykan ahayd oo la dhihi jiray AGENCY FOR INTERNTIONAL COOPERATION (AIC) oo markii dambena magaceedu isu beddelay AGENCY FOR INTERNATIONAL DEVELOPMENT (AID) iyo UNITED NATIONS DEVELOPMENT PROGRAM (UNDP), ayaa markaas Talyaanigu wuxuu bilaabay qorshe uu ku dardar-gelinaayo beeraha, qorshahan ayaa wuxuu sadex laabmay laga bilaabo 1954 tii ilaa 1960-kii.
xilligii dowladdii musuq-maasuqa (during the government of corruption)
![]() |
| madaxweynihii maraykanka R. Nixon iyo Cabdirashiid Cali Sharma'arke |
Xilligii kelitaliska (kacaanka) (during dictatorship) revolutionary
Xukuumaddii kali-taliska ahayd, si ay awood ugu yeelato ilaalinta dhaqdhaqaaqa reer guuraagii xoolo dhaqatada dib u dejin ayay ku samaysay sannadkii 1974-tii. gobolka shabeelaha hoose ayuu ahaa halkii dib-u-dejinta (rsettlement) loogu sameeyay (2 - 3 km). dadkaas waxaa la dhex dejiyay beeraleydii iyo kallumaysatadii si ay uga faa'iidaystaan 140,000 oo qoys, tani waxay la mid tahay markii gumaysigii Talyaaniga uu dalka talyaaniga ka keenay qoysas beeraley ahaa oo uu dejiyay dhul beereedyadii kana samaystayshirkado waawayn oo beereed.. Bartamihii siddetameeyadii dowlaii dhexe waxay dhabarjebisay wax soo saarkii ugu muhiimsanaa ee gallayda iyo mesegada; laba sababood ayaa keenay dhabarjabkaasi, ta koowaad oo ahayd beeraleydii oo laba siyaabood loogala wareegay dhulbeereedkoodii iyadoo caga juglayn iyo lacagba la isugu dari jiray iyo ta labaad oo ahayd iyadoo si toos ahayd xoog looga qaadan jiray. Qayb (sector) yar oo abuurka mooska ahaa oo kaliya ayaa xilligaasi xooga la saaray iyadoo loo adeegsan jiray shirkadihii somalita iyo somalfruit iwm.
a) Xilligii abaaraha (abaartii daba-dheer)
Ilaa 140.000 oo qofood aya tuulooyinkoodii (gobollada dhexe) laga soo daadgureeyay ka dib markii ay abaaro xoog badan ku dhufteen gobollada dhexe (abaartii dabadheer), dadkaas degaanadii la dejiyay waxaa ka mid ahaa; kurtun-waareey, sablaale iyo dujuuma dhul dhan 300 km oo isku wareeg ah. qaxootigaasi laga soo daad gureeyay gobollada dhexe waxay ka shaqayn jireen iskaashatooyinkii dowladda halkasoo markii dambe la siin jiray mushaarooyin. dadkaas oo ka faa'iidaystay shaqashaasi ayaa urursaday lacago waxayna dhex galeen dadkii degaanka (the indigenous), qaarkood waxay bilaabeen inay iskood u shaqaystaan qaarna xoolo ay dhaqdaan ayay dib u abuurteen. sidoo kale iskaashatooyinkii kalluumaysiga ayaa 1975 tii lagu aasaasay degmada baraawe.
b) qaabkii loola wareegay iyo xeerkii ka soo baxay
Baahida dib-u-dejinta tiro intaa la'eg oo qaxooti reer guuraa ahaa, waxay soo jiidatay xukuumaddii kalitaliska, taasoo laba arrinba faa'iido ugu jirtay, ta koowaad oo ahayd maslaxadii maamulkaas ee xagga beeraha iyo ta labaad oo ahayd aragti ku aadanayd si reer guuraaga looga dhigo beeraley. Bartilmaameedkooda koowaad (primary target) ayaa ahaa la wareegidda beeraha.
Dadkii la rabay in la naasnuujiyo ayaa loo soo saaray xer u oggolaanayay inay si fudud ula wareegaan dhul beereed ayp leeyihiin dad. Marka hore is diiwaan gelin ayuu ka samaynaayay wasaaraddii beeraha (MOA), si uu u helo, waxa loogu teeri jiray, xuquuqda intifaaca (usufruct rights), dadkaas waxaa la siin jiray dhul waraab ah oo dhamaa 30 hektar ama dhul roob oo dhamaa 60 hktar. Shirkado qaas ahaa (private companies) iyo hay'ado madax bannaan (autonomous agencies) ayaa si gaar ah loogu naas nuujin jiray. waxaa la mari jiray habraac (procedure) hoos imanaayay wareegto soo baxday 24 kii maajo 1987 oo ka bilaabanaayay warqad codsi oo loo qoranaayay isu-duwaha beeraha ee degmada (district agriculture officer- DAO) kaasoo bixinaayay tilmaan beersiinta.(guidelines for the giving farmlands). Dabadeed isuduwaha beeraha ee degmada ayaa warqadda codsiga u gudbinaaya xafiiska xoghayaha degmada, xafiiska guddoomiyaha degmada, saldhigga booliska, wasaaradda beeraha iyo xarunta tuulada, halka beerta laga rabo in lala wareego ay ku taalo. Soddon maalmood ka dib, guddi ka kooban sarkaalka qaybta waraabinta iyo isticmaalka dhulka ee degmada (oo la aasaasay 1988), boolis ka socda degmada iyo ninka la rabo in beerta loo xalaaleeyo, qof farshaxanka yaqaan iyo guddoomiyaha guddiga tuulada, halka beerta laga rabo, ayaa kulmaaya si ay u sharciyeeyaan codsigaasi, xuduudana loogu sameeyo sisharciga beerta farta looga saaro, kadib ayaa waxa loo sii gudbinaayay isuduwaha beeraha e gobolka ugu dambayntiina waxaa, si loogu xalaaleeyo loo gudbinaayay, wasaaradda beeraha xamar.
Xilligii hoggaamiye kooxeedka (mooryaanta)
Sannadkii 1991-kii oo Soomaalidu u ahayd sannad madow, ayaa urur jabhadeedkii la dhihi jiray USC, ayaa inta dhallinyaro la soo hubeeyay iyagoo didaaya soo galay gobolka shabeelaha hoose ayagoo xambaarsanaa fikir gurracnaa oo ahaa in dalka laga xureynaayo daarood koox salballaar la dhihi jiray ayaa sal-dhigatay gobolka shabeelaha hoose iyagoo qori caaradiisa u adeegsaday dadkii degaanka oo filayay in dowladdii kacaanka ay beddeli doonto dowlad ka wanaagsan oo caddalad ugu adeegta ummada Soomaaliyeed. iskaba daaye dadka naftooda ayaaba ka baxan waayay oo dil, dhac, kufsi loo gaystay. Ka droo dibi dhal, waxaa dadka laga gadanaayay biyaha webiga, weliba beerahooda oo xooga looga haystay ayay ka shaqayn jireen. dhammaan beerihii dowladdii kacaanka magaceeda lagu dhacay ayay iyagan qori caaradiisa ku qabsadeen.
![]() |
| indha cadde oo maxaakiimta ku biiray gobolka sh. hoosena ku wareejinaya ururkii .maxaakiimta |
.
![]() |
| indha cadde iyo Shariif Axmed |
![]() |
| biyihii Ilaaheey geedaha u saaray reer shabeelaha hoose |
![]() |
| maxaakiimta oo lagu wareejiyay diinsoor xasan Daahir, Shariif Axmed iyo Shariif xasan |
![]() |
| Xasan daahir, Cali dheere iyo Mukhtaar Roobow |
markii dowladdii ku meelgaarka ahayd lagu soo dhisay Kenya 2004 tii, diidmo xooggan ayay maxaakiimta kala hortageen waxaana adkaatay in dowladdas timaado magaalada muqdisho. Lix bilood ka dib ayaa dowladdii KMG-ka ahayd waxaa soo hoggaamiyay oo xamar keenay dowladda Ethiopia oo xoog u sheegatay ururkii maxaakiimta waxayna si fudud ku qabsatay gobollada koofureed taasoo ku timid codsigii baarlamaanka Soomaaliya.
xilligii dowladdii KMG-ka ahayd
dowladdii KMG-ka ahayd iyo ururkii maxaakiimta ayaa la isugu keenay magaalada jabuuti ee dalka Jabuuti. wada hadal kadib ayaa waxaa ka soo if baxday dowladii federaalka KMG ahayd.ka dib markii la dhisay baarlammaan ka kooban 500 oo xildhibaan. ciidamo beeleed hor leh ayaa la keensaday gobolka shabeelaha hoose kuwaasoo iyagana dhib hor leh ku soo kordhiyay dadka iyo degaankaba.
waa socotaa....
waxaa qoray
domenica 28 febbraio 2016
Intee sanadood ayay beeraleydu ku jiraan dhibaatada?
Hordhac
Hadda ka hor ayaan wax ka qoray dhibaatada ka jirta degmada Afgooye iyo sababta keentay. qoraalkaygaas wuxuu cinwaankiisu ahaa: AFGOOYE, XAGAL KA MIDA JANNADII DHULKA. MUDNAAN LAHAANSHAHEEDA OO MARBA MARKA KA DAMBAYSA MUGDI SII GALAYSA. Maqaalkaygan ayaa haddana wuxuu ku saabsan yahay qodob kaasi la mid ah.
Eeg, Soomaaliya waa dal ku yaala Geeska Afrikada bari (corno dell'Africa orientale) waana dad muslimiin sunni ah. Dadka Soomaaliyeed waxay u kala qaybsamaan marka loo eego degaanka ay ku kala nool yihiin; reer wabi (beeraley), reer xeebeed iyo, reer guuraa (xoolo dhaqato). Soomaaliya waxaa mara laba webi oo la kala dhoho, Jubba iyo Sihabelle. dadka dega degaan uu wabi maro ayaa la dhahaa reer wabi, balse degaanada uu maro wabi shabelle gaar ahaan gobolka shabeelaha hoose waxaa loo yaqaanaa dhoobeey dadkana waxaa loogu yeeraa reer dhoobeey.
Afgooye, waxa uu ka mid yahay degaanada uu maro wabiga shabelle dadkiisuna 85% waa beeraleey. waa dad muddo dheer lahaa is maamul dhaqaneed ay isku racsanaayeen qabaa'ilka uu ka kooban yahay dadka la isku yiraahdo Galadi iyo dadyowgii kale ee hoos iman jiray, waxaa ka dhisnaa saldanad ay u dhan tahay dhammaan hay'adihii asaasiga ahaa ee uu yeelan karo maamul ku dhisan kala dambayn iyo wada tashi.markii uu gumaysigii reer galbeedka uu soo caga dhigay degmada Afgooye ka dib ayaa waxaa bilaabmay liicitaankii saldanaddii xooga badnayd aadka looga yiqiinay Soomaaliya. waayo, falsafaddii reer galbeedka ee shirkii baarliin ee1884-tii oo ahayd qabi oo xukun ayaa ka hirgashay afgooye tuhun iyo kala shaki ayaa soo if baxay nidaamkii wada tashiga ku dhisnaana waxaad moodaa inuu burburay. taasna waxay keentay in indha lagu soo taago sidii loola wareegi lahaa dhul beereedkii.
GOORMA AYAY BILAABATAY QABSASHADA DHULBEEREEDKA IYO DHIBAATADA LAGU HAAYO BEERALEYDA?
De Martino oo ka mid ahaa golaha odayaasha Talyaaniga (Senatore) ayaa waxaa loo soo magacaabay gonernor-ka Soomaaliya, xilligii La Somalia-Italiana. De martino oo samaystay qorshe ayaa nn D'Onor la yiraahdo oo khabiir dhanka beeraha ahaa uga yeertay dalka Talyaaniga,
Bishii febraayo 1910 kii ayuuna ka howlgalay Romolo D'Onor dhulbeereedkii dhanka shabeelaha hoose. Bishii Jannaayo 1911 kii Romo;o D'Onor wuxuu yimid Magaalada Afgooye, si fiican ayuuna xaaladda degaanka ugu kuur-galay. Markaasi waxaa bilaabmay gumaysi beereed. Oo dadkii degaanka u dhashay (indigenous) ayaa qasab looga dhigay inay ka shaqeeyaan beeraha.
Ma dhihi karnaa beeraleyda waxaa uu dhibkoodu soo bilaabmay 1910-neeyadii ? HAA !. 60 sanadood oo gumaysigii reer galbeedka (colonia Italiana) ahaa, 21 sanadood oo ahaa xilligii kacaanka iyo in ka badan 26 sanadood oo ahaa xilliyadii kala duduwanaa ee lagu jiray dagaaladii sokeeye. (Salballaar, xisbul islaam, shabaab, dowlado ku meel gaar iyo dowlad rasmi) .. in ka badan 100 sanadood ayuu jiraa dhibka beeraleyda haysto.
Sidee uga bixi karaan?.
Si beeraleydu uga baxdo dhibka haysta, laba arrimood ayaa u furan:
1. In ay is hubeeyaan oo ay la dagaalamaan tuugada (mooryaanta) beerahooda haysta.
2. In ay sameeyaan bannaanbaxyo ay ku muujinayaan in beerahooda xoog lagu haysto dacwadna qoraan.
Haddii intaasi la waayo waxaa weli MUGDI ku sii jiraaya sheegashada mudnaanlahaanshaha Afgooye.
Nimaan hadlan hooyadii wa ma siiso.
Waxaa qoray:
Dr. Abdulrahim Ali Yusuf.
domenica 3 gennaio 2016
Hoyga Cabsida!
Aamusnaanta micnaheedu waa ka raali noqosho!
Labaatan sanadood in ka badan shacabka degmada Afgooye Wuxuu u dulqaatay nooc kasta oo dhibaata ah, hadday noqon lahayd; dil, kufsi, dhac, handadaad, iyo.... iyo....iyo......
26 ka sannadood oo uu waddankan burbursan yahay ma jiro, ugu yaraan hal qof oo degaanka u dhashay oo ka hadlay marka laga reebo faalooyinka (comments) la dhigo baraha internetka ee bulshada ku kulanto (social media). Yaa looga baahan yahay inuu ka hadlo ?degmada Afgooye waxay leedahay hoggaamiye dhadqameedyo, culumaa'uddiin, aqoon yahanno, haween, dhallinyaro, oo laakiin midkoodna lahayn gole ay ku midaysan yihiin.
Sabab?
Ma rabo inaan hadda ka hadlo waxyaabo hore u soo dhacay iyo shaqsiyaadkii xilliyadaas jiray midna, balse, tan iyo intii ay dhaceen dagaalladii sokeeye, falal qaab daran ayaa ku soo kordhay degaanka iyo bulshada dhexdeeda Labadaba, kuwaasoo aan ognahay inay abuureen ceeryaamo dadka kala dhex gashay, kala shakina uu bilaabmay. Kadib?
La soco in aysan meesha ka marnayn la saaxibidda mooryaanta! Intaas kadib waxaa samaysmay kooxo danleey qorrax joogto ah islamarkaana isu qaabeeyay inay ayagu yihiin dadkii lagala tashan lahaa degaanka. Inta kale waxay ka gudbi waayeen buunda.
Cabsi:
Qof kasta oo Isku daya inuu dadka wacyigeliyo waxaa lagu waaninayaa inuusan arrimahaasi faragashan oo niyadda ayaa laga dilaa Sidaas ayuu asagana ugu biirayaa hoyga cabsida!.
Xal:
Arrimahaas oo is wada biirsaday awgood aad bay u adag tahay in la raaco xal kasta oo la soo jeediyo. Si kastaba, xalka Wuxuu ku jiraa oo keliya in Gayiga Somaliya ay ka dhalato xukuumad awood badan oo hanata awooda soona celiya kala dambaynta. Ama.........?
Dr. Cabdulraxiim Cali Yuusuf
Abudeqow@gmail.com /jiinjoogto@hotmail.com
lunedì 10 agosto 2015
TIMIRTA
Fa'iidada cunidda Timirta.
1. Timirtu wax cholesterol ah ma lahan, dufantana kuma badna waxaa kabuuxa fitamiino (vitamins) iyo macaadin (minerals).
2. timirta waxaa ka buuxa borotiin (proteins) iyo fitamiinada kala ah, B1, B2, B3 B5 iyo A1 iyo Ac.
3. Waxay wanaajisaa dheefshiidka.
4. waxay dhalisaa tamar waayo, waxaa ku jira sokorta dabiiciga ah sida:guluukoos-ta (glucose), sarkoos-ta (sucrose) iyo faruktoos-ta (fructose), si timirta faa'iido badan looga helo waxaa lagu daraa caano (haddii aad heli karto caano ari), markaas waxay kuu noqonaysaa cunto fudud oo nafaqo leh.
5. Timirta waxaa ka buuxa botaasiyam (Potassium) oo waxay u roon tahay oo ay nidaaminaysaa habdhiska dareenka. Waxaa la ogaaday haddii botaasiyamta la qaato ilaa xad cayiman (to a certain extent) waxay yareynaysaa dhib ku yimaada maskaxda. Timirtu waxay hoos u dhigaysaa (LDL cholesterol low-density lipoprotein).
6. Timirta waxaa ku jira xaddi aad u badan oo birta ah (Iron) waxayna daawo u tahay dhiig yaraanta (anaemia). Timirta waxaa kaloo ku jira foloriin (fluorine) tasoo aad dib uGu dhigaysa ilkaha oo jajaba.
7. Timirtu waxay wax u tartaa dadka calooshu fadhido, si timirtu u noqoto mid waxtar badan dhex-dhig dareere (biyo ama caano) habeenkii oo dhan subaxiina caano ku shiid kuna dar malab iyo hayl shiidan dabadeed cab.
8. Timirta waxay kordhisaa rabitaanka galmada, gacan mugged oo timir ah caano ari kula dhig habeenkii oo dhan.
9. Timirtu waxay faa'iido u leedahay dadka caatada ah.
10. Timirtu waxay dawaysaa kansarka ubucda ama caloosha (abdominal cancer). wanaaga timirta waa inaysan wax saamayn ah ku lahayn xagga jirka, waa dabiici kana fiican dawooyinka, waxay sidoo kale hagaajinaysaa aragga, oo waxaa lagu dawayn karaa hamiinisowga (night blindness).
Dr. Abdulrahim Ali Yusuf
e-mail: ayfo_org@yahoo.com
domenica 9 agosto 2015
Akhri waxa dhacaayo haddii aad biyaha qumbaha cabtid 7 maalmood
waxaad maqmaqli jirtay wanaaga saliida qumbaha iyo faa'iidooyin kale oo uu yeelan karo qumbaha. qoraalkan ayaa waxaad ka baran dontaa faa'iidooyinka waawayn ee biyaha qumbaha ay leeyihiin oo laga yaabo inaadan weligaaba maqlin. Waayadan dambe biyaha qumbaha aad ayaa looga isticmaalaa adduunka. caadi ahaan si fudud ayaa looga helaa suuqyada.
Dhadhan ahaan biyha qumbaha ma fiicna, laakiin inay saafi yihiin caafimaadkana faa'iido u leeyihiin dood kama taagna.
Faa'iidada biaha qumbaha.
Biyaha qumbaha waxay xoojiyaan awooda difaaca jirkaaga (your immune system) waxayna burburiyaan bacteeriyada keenta jeermiska (infection) habdhiska kaadida, gonorrea (jabtada). cudurka ku dhaca cirridka iyo fayraska keena xummadda, iyo cudurrada caloosha. waxay horumaryaan tamartaada, waxayna hagaajiyaan soo saaridda hoormoonada ee qanjirada thyroid. Biyha qumbaha waxay aad u taageertaa nadiifinta habdhiska kaadida iyo marinnada kaadi haysta (the bladder channels), sunta (toxins), dhagaxyda kelyaha ku jirana waa la burburin.
Biyaha qumbaha waxaa ku jira xaddi badan oo fiber ah kuwaasoo wanaajinaaya habdhiska dheefshiidka. Haddii biyaha qumbaha si caadi ah loo isticmaalo waxaa meesha ka baxaaya (gastric acid) gaaska. heerka dufantiisa oo aad u hooseeya darteed wax badan baad ka cabi kartaa biyaha qumbaha waxayna yraynayaan rabitanka badan ee cuntada (appetite) waxaad iska ahaanaysaa qof dheregsan taasoo yareynaysa culayskaaga (losing weight), suufka biyaha qumbaha ku jira ridiq dabadeenda saar haddi aa findoob ( acne) ka cabanaysid. haddii aad dareemaysid maqaarkaaga oo qalalan biyha qumbaha waxay maqaarka ka dhigaan mid aad u nadiifsan oo jilicsan (fresher), duleelada mqaarkana way furmayaan. Haddii aad ku qsto saliida saytuunka (olive oil) waxaa nadiifsamaaya xubnaha jirkaaga iyo sidii meesha looga saari lahaa deris-ku-noolaha xiidmaha (bowel parasites). Cabitaanka biyaha qumbaha xillia uurka waxay xal u noqonayaan qaar ka mida xanuunada koob biyaha qumbaha ah wuxuu dheeli-tirayaa electrolytes-ka jirkaaga. La soco dheelitiran la'aanta electrolyte-ka jirkaaga wuxuu keenayaa dhiig-kar sare (hypertension), haddii aad rabto in mar walba jirkaagu iftiimo cab koob biyaha qumbaha ah. haddii tamar badan (more energy) aad lumisay adoo jimicsanaaya ama aad howlo kale qabatay, waxay tamartaada ku soo noqon kartaa adoo caba biyaha qumbaha. Biyaha qumbaha waxay ku siinayaan hab difaac xoog badan, bakteeriyada iyo infakshanka (infection) oo laga nabad galo iyo faa'iidooyin badan oo caafimaadka ku shuqul leh.





















