Mudnaantaada mugdi bay gali haddaadan midoobin
Sidii loola wareegay beerihii beeraleyda KGS
HORDHAC.
Soomaaliya waa dal ku yaala geeska Afrikada bari (Il corno dell'Africa orientale) oo 99% dadkeedu ay yihiin Muslimiin sunni ah. Dadka Soomaaliyeed, marka loo eego degaanka ay deggan yihiin waxaa loo kala qaybiyaa: reer wabi, reer xeebeed iyo reer guuraa.
Soomaaliya waxaa mara Laba wabi oo la kala yiraahdo jubba iyo shabelle. Wabiga shabelle ayaa wuxuu maraa gobollada Hiiraan, shabellaha dhexe iyo shabellaha hoose. Dadka dega degaan uu wabi maro ayaa loogu yeeraa; reer wabi. Sidoo kale dadka (the indigenous) dega gobolka sh hoose gaar ahaan degaanada uu maro webiga waxaa mararka qaar loogu yeeraa; reer dhoobeey. hadda ka hor waxaan maqqaal sidan oo kale ka qoray sida ay u jirto koox kooxdu xilligii ay soo bilabatay iyo waxay dhalisay, qormadaas waxaan siiyay laba cinwaan oo midna guud ahaa;AFGOOYE, XAGAL KA MIDA JANNADII DHULKA. iyo cinwaanka ujeedada qormadaas oo ahaa; WAXA MARBA MARKA KA BAMBAYSA MUGDI SII GALAAYA MUDNAAN LAHAANSHAHEEDA.
Qorshahii Giacomo De Martino.
De Martino wuxuu ahaa nin ka tirsanaa golaha odayaasha Talyaaniga (senaore), oo Benito Mussolini uu u soo magacaabay xilligii dowladdii mustacmarada ee (La Somalia Italiana) inuu governatore uga noqdo. Ka dib wuxuu indhaha ku taagay dhulbeereedkii gobolka shabeelaha hoose, kadibna wuxuu talyaaniga uga yeertay nin khabiir xagga beeraha ahaa oo Romolo D'Onor la oran jiray 1910kii.
Jannaayo 1911-kii Romolo wuxuu gaaray Afgooye, dhowr jeer ayuu ku soo laablaabtay Afgooye oo uu si gaar ah isha ugu hayay. dhowr qoys oo beeraley ahaa oo laga keenay Talyaaniga ayaa kuwii ugu horeeyay la keenay Afgooye. Inkastoo dadka degaanka (reer dhoobeey) ay ka soo jeedeen haddana go'aankii gumaysiga ayaa ahaa (sistema a successo obbligatorio) in natiijadu noqoto mid ku timaada nidaam qasab ah. Afgooye ayaa laga hirgeliyay beer tijaabo rasmi ah. ka dib qoysas fara badan ayaa Talyaaniga laga keenay kuwaasoo la dejiyay dhoobeey oo ay Afgooye ka mid tahay, beero Aseendooyin (Aziende) waawayn bayna ka samaysteen iyagoo ay u adeegayeen dadka degaanka.
Giacomo de Martino
xilligii wesaayadda ( during trusteeship)
Ku soo noqoshadii gumaysigii Talyaaniga ee koofurta Soomaaliya 1950-kii, arrimo badan ayaa ku hoos jiray kuwaasoo gumaysigu rabay inuu meesha ka saaro ugana hor tago inaan la soo bandhigin xogag badan oo ku saabsanayd tacaddiyadii iyo dhibaatooyinkii gumaysigu ka gaystay gobollada kofureed gaar ahaan koofur galbeed (degaanada beeraleyda), iyo in sidii gumaysigu u sii haysan lahaa beerihii ay dejiyeen reerihii gumaysi (colonial family) ee la soo daad gureyay bilowgii gumaysi beereedka 1910-kii. Markii Ingiriisku yimid koofurta Soomaaliya, ayuu Ustaad Cusmaan Maxamed Xasan (Ustaad Cusmaan) u gudbiyay qoraal dheer oo dhowr bog ka koobnaa oo ku caddaa dhibaatooyinkii Talyaanigu ka gaystay Koofurta Soomaaliya (HUMAN RIGHTS VIOLATION). ( Ku soo noqoshada Talyaaniga ee Koofurta Soomaaliya oo aan ku faahfaahin doono isla buugan) ayaa waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya la siiyo fursad si ay u helaan aqoon siyaasadeed iyo ismaamul.
Heshiiskii qaramada midoobay (UN) ayaa ahaa; in maamulkii wesaayadda ee Talyaaniga (AFIS-amministrazione Feduciaria Italo-Somalo) inay u diyaariso Koofurta Soomaaliya xornimo-siin toban (10) sano gudahood.
1954, wada hadal dhex maray hay'ad Maraykan ahayd oo la dhihi jiray AGENCY FOR INTERNTIONAL COOPERATION (AIC) oo markii dambena magaceedu isu beddelay AGENCY FOR INTERNATIONAL DEVELOPMENT (AID) iyo UNITED NATIONS DEVELOPMENT PROGRAM (UNDP), ayaa markaas Talyaanigu wuxuu bilaabay qorshe uu ku dardar-gelinaayo beeraha, qorshahan ayaa wuxuu sadex laabmay laga bilaabo 1954 tii ilaa 1960-kii.
xilligii dowladdii musuq-maasuqa (during the government of corruption)
![]() |
madaxweynihii maraykanka R. Nixon iyo Cabdirashiid Cali Sharma'arke |
Xilligii kelitaliska (kacaanka) (during dictatorship) revolutionary

shirkado waawayn oo beereed.. Bartamihii siddetameeyadii dowlaii dhexe waxay dhabarjebisay wax soo saarkii ugu muhiimsanaa ee gallayda iyo mesegada; laba sababood ayaa keenay dhabarjabkaasi, ta koowaad oo ahayd beeraleydii oo laba siyaabood loogala wareegay dhulbeereedkoodii iyadoo caga juglayn iyo lacagba la isugu dari jiray iyo ta labaad oo ahayd iyadoo si toos ahayd xoog looga qaadan jiray. Qayb (sector) yar oo abuurka mooska ahaa oo kaliya ayaa xilligaasi xooga la saaray iyadoo loo adeegsan jiray shirkadihii somalita iyo somalfruit iwm.
a) Xilligii abaaraha (abaartii daba-dheer)
Ilaa 140.000 oo qofood aya tuulooyinkoodii (gobollada dhexe) laga soo daadgureeyay ka dib markii ay abaaro xoog badan ku dhufteen gobollada dhexe (abaartii dabadheer), dadkaas degaanadii la dejiyay waxaa ka mid ahaa; kurtun-waareey, sablaale iyo dujuuma dhul dhan 300 km oo isku wareeg ah. qaxootigaasi laga soo daad gureeyay gobollada dhexe waxay ka shaqayn jireen iskaashatooyinkii dowladda halkasoo markii dambe la siin jiray mushaarooyin. dadkaas oo ka faa'iidaystay shaqashaasi ayaa urursaday lacago waxayna dhex galeen dadkii degaanka (the indigenous), qaarkood waxay bilaabeen inay iskood u shaqaystaan qaarna xoolo ay dhaqdaan ayay dib u abuurteen. sidoo kale iskaashatooyinkii kalluumaysiga ayaa 1975 tii lagu aasaasay degmada baraawe.
b) qaabkii loola wareegay iyo xeerkii ka soo baxay
Baahida dib-u-dejinta tiro intaa la'eg oo qaxooti reer guuraa ahaa, waxay soo jiidatay xukuumaddii kalitaliska, taasoo laba arrinba faa'iido ugu jirtay, ta koowaad oo ahayd maslaxadii maamulkaas ee xagga beeraha iyo ta labaad oo ahayd aragti ku aadanayd si reer guuraaga looga dhigo beeraley. Bartilmaameedkooda koowaad (primary target) ayaa ahaa la wareegidda beeraha.
Dadkii la rabay in la naasnuujiyo ayaa loo soo saaray xer u oggolaanayay inay si fudud ula wareegaan dhul beereed ayp leeyihiin dad. Marka hore is diiwaan gelin ayuu ka samaynaayay wasaaraddii beeraha (MOA), si uu u helo, waxa loogu teeri jiray, xuquuqda intifaaca (usufruct rights), dadkaas waxaa la siin jiray dhul waraab ah oo dhamaa 30 hektar ama dhul roob oo dhamaa 60 hktar. Shirkado qaas ahaa (private companies) iyo hay'ado madax bannaan (autonomous agencies) ayaa si gaar ah loogu naas nuujin jiray. waxaa la mari jiray habraac (procedure) hoos imanaayay wareegto soo baxday 24 kii maajo 1987 oo ka bilaabanaayay warqad codsi oo loo qoranaayay isu-duwaha beeraha ee degmada (district agriculture officer- DAO) kaasoo bixinaayay tilmaan beersiinta.(guidelines for the giving farmlands). Dabadeed isuduwaha beeraha ee degmada ayaa warqadda codsiga u gudbinaaya xafiiska xoghayaha degmada, xafiiska guddoomiyaha degmada, saldhigga booliska, wasaaradda beeraha iyo xarunta tuulada, halka beerta laga rabo in lala wareego ay ku taalo. Soddon maalmood ka dib, guddi ka kooban sarkaalka qaybta waraabinta iyo isticmaalka dhulka ee degmada (oo la aasaasay 1988), boolis ka socda degmada iyo ninka la rabo in beerta loo xalaaleeyo, qof farshaxanka yaqaan iyo guddoomiyaha guddiga tuulada, halka beerta laga rabo, ayaa kulmaaya si ay u sharciyeeyaan codsigaasi, xuduudana loogu sameeyo sisharciga beerta farta looga saaro, kadib ayaa waxa loo sii gudbinaayay isuduwaha beeraha e gobolka ugu dambayntiina waxaa, si loogu xalaaleeyo loo gudbinaayay, wasaaradda beeraha xamar.
Xilligii hoggaamiye kooxeedka (mooryaanta)
Sannadkii 1991-kii oo Soomaalidu u ahayd sannad madow, ayaa urur jabhadeedkii la dhihi jiray USC, ayaa inta dhallinyaro la soo hubeeyay iyagoo didaaya soo galay gobolka shabeelaha hoose ayagoo xambaarsanaa fikir gurracnaa oo ahaa in dalka laga xureynaayo daarood koox salballaar la dhihi jiray ayaa sal-dhigatay gobolka shabeelaha hoose iyagoo qori caaradiisa u adeegsaday dadkii degaanka oo filayay in dowladdii kacaanka ay beddeli doonto dowlad ka wanaagsan oo caddalad ugu adeegta ummada Soomaaliyeed. iskaba daaye dadka naftooda ayaaba ka baxan waayay oo dil, dhac, kufsi loo gaystay. Ka droo dibi dhal, waxaa dadka laga gadanaayay biyaha webiga, weliba beerahooda oo xooga looga haystay ayay ka shaqayn jireen. dhammaan beerihii dowladdii kacaanka magaceeda lagu dhacay ayay iyagan qori caaradiisa ku qabsadeen.
![]() |
indha cadde oo maxaakiimta ku biiray gobolka sh. hoosena ku wareejinaya ururkii .maxaakiimta |
.
![]() |
indha cadde iyo Shariif Axmed |
![]() |
biyihii Ilaaheey geedaha u saaray reer shabeelaha hoose |
![]() |
maxaakiimta oo lagu wareejiyay diinsoor xasan Daahir, Shariif Axmed iyo Shariif xasan |
![]() |
Xasan daahir, Cali dheere iyo Mukhtaar Roobow |
markii dowladdii ku meelgaarka ahayd lagu soo dhisay Kenya 2004 tii, diidmo xooggan ayay maxaakiimta kala hortageen waxaana adkaatay in dowladdas timaado magaalada muqdisho. Lix bilood ka dib ayaa dowladdii KMG-ka ahayd waxaa soo hoggaamiyay oo xamar keenay dowladda Ethiopia oo xoog u sheegatay ururkii maxaakiimta waxayna si fudud ku qabsatay gobollada koofureed taasoo ku timid codsigii baarlamaanka Soomaaliya.
xilligii dowladdii KMG-ka ahayd
dowladdii KMG-ka ahayd iyo ururkii maxaakiimta ayaa la isugu keenay magaalada jabuuti ee dalka Jabuuti. wada hadal kadib ayaa waxaa ka soo if baxday dowladii federaalka KMG ahayd.ka dib markii la dhisay baarlammaan ka kooban 500 oo xildhibaan. ciidamo beeleed hor leh ayaa la keensaday gobolka shabeelaha hoose kuwaasoo iyagana dhib hor leh ku soo kordhiyay dadka iyo degaankaba.
waa socotaa....
waxaa qoray
Dr. Cabdiraxiim Cali Yusuf