domenica 28 febbraio 2016

Intee sanadood ayay beeraleydu ku jiraan dhibaatada?

Hordhac
    Hadda ka hor ayaan wax ka qoray dhibaatada ka jirta degmada Afgooye iyo sababta keentay. qoraalkaygaas wuxuu cinwaankiisu ahaa: AFGOOYE, XAGAL KA MIDA JANNADII DHULKA. MUDNAAN LAHAANSHAHEEDA OO MARBA MARKA KA DAMBAYSA  MUGDI SII GALAYSA.  Maqaalkaygan ayaa haddana wuxuu ku saabsan yahay qodob kaasi la mid ah.
Eeg, Soomaaliya waa dal ku yaala Geeska Afrikada bari (corno dell'Africa orientale) waana dad muslimiin sunni ah. Dadka Soomaaliyeed waxay u kala qaybsamaan marka loo eego degaanka ay ku kala nool yihiin; reer wabi (beeraley), reer xeebeed iyo, reer guuraa (xoolo dhaqato). Soomaaliya waxaa mara laba webi oo la kala dhoho, Jubba iyo Sihabelle.  dadka dega degaan uu wabi maro ayaa la dhahaa reer wabi, balse degaanada uu maro wabi shabelle gaar ahaan gobolka shabeelaha hoose waxaa loo yaqaanaa dhoobeey dadkana waxaa loogu yeeraa reer dhoobeey.
     Afgooye, waxa uu  ka mid yahay degaanada uu maro wabiga shabelle dadkiisuna 85% waa beeraleey. waa dad muddo dheer lahaa is maamul dhaqaneed ay isku racsanaayeen qabaa'ilka uu ka kooban yahay dadka la isku yiraahdo Galadi iyo dadyowgii kale ee hoos iman jiray, waxaa ka dhisnaa saldanad ay u dhan tahay dhammaan hay'adihii asaasiga ahaa ee uu yeelan karo maamul ku dhisan kala dambayn iyo wada tashi.markii uu gumaysigii reer galbeedka uu soo caga dhigay degmada Afgooye ka dib ayaa waxaa bilaabmay liicitaankii saldanaddii xooga badnayd aadka looga yiqiinay Soomaaliya. waayo, falsafaddii reer galbeedka ee shirkii baarliin ee1884-tii oo ahayd qabi oo xukun ayaa ka hirgashay afgooye tuhun iyo kala shaki ayaa soo if baxay nidaamkii wada tashiga ku dhisnaana waxaad moodaa inuu burburay. taasna waxay keentay in indha lagu soo taago sidii loola wareegi lahaa dhul beereedkii.
 
GOORMA AYAY BILAABATAY QABSASHADA DHULBEEREEDKA IYO DHIBAATADA LAGU HAAYO BEERALEYDA?
 De Martino oo ka mid ahaa golaha odayaasha Talyaaniga (Senatore) ayaa waxaa loo soo magacaabay gonernor-ka Soomaaliya, xilligii La Somalia-Italiana. De martino oo samaystay qorshe ayaa nn D'Onor la yiraahdo oo khabiir dhanka beeraha ahaa uga yeertay dalka Talyaaniga,
Bishii febraayo 1910 kii ayuuna ka howlgalay Romolo D'Onor dhulbeereedkii dhanka shabeelaha hoose. Bishii Jannaayo 1911 kii Romo;o D'Onor wuxuu yimid Magaalada Afgooye, si fiican ayuuna xaaladda degaanka ugu kuur-galay. Markaasi waxaa bilaabmay gumaysi beereed. Oo dadkii degaanka u dhashay (indigenous) ayaa qasab looga dhigay inay ka shaqeeyaan beeraha.
Ma dhihi karnaa beeraleyda waxaa uu dhibkoodu soo bilaabmay 1910-neeyadii ? HAA !. 60 sanadood oo gumaysigii reer galbeedka (colonia Italiana) ahaa, 21 sanadood oo ahaa xilligii kacaanka iyo in ka badan 26 sanadood oo ahaa xilliyadii kala duduwanaa ee lagu jiray dagaaladii sokeeye. (Salballaar, xisbul islaam, shabaab, dowlado ku meel gaar iyo dowlad rasmi) ..  in ka badan 100 sanadood ayuu jiraa dhibka beeraleyda haysto.
   Sidee uga bixi karaan?.
Si beeraleydu uga baxdo dhibka haysta, laba arrimood ayaa u furan:
1. In ay is hubeeyaan oo ay la dagaalamaan  tuugada (mooryaanta) beerahooda haysta.
2. In ay sameeyaan bannaanbaxyo ay ku muujinayaan in beerahooda xoog lagu haysto dacwadna qoraan.
Haddii intaasi la waayo waxaa weli MUGDI ku sii jiraaya sheegashada mudnaanlahaanshaha Afgooye.
Nimaan hadlan hooyadii wa ma siiso.

Waxaa qoray:
Dr. Abdulrahim Ali Yusuf.

Nessun commento:

Posta un commento