lunedì 29 febbraio 2016

ODAYAAL LAGU DANAYSTAY IYO MUSUQ-MAASUQ BAAHSAN


    HORDHAC
   
Bulsho waynta ku dhaqan Koofur galbeed Soomaaliya gaar ahaan kuwa Digil iyo Mirifle ayaan weli helin hoggaan wanaagsan oo ka hor leexiya caqabadaha siyasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee haysta muddo aan ka yarayn boqol sanadood.
    dagaalladii sokeeye ee dhacay waxay sababeen in soomaalidu u kala jajabto qabaa'il iyo qowmiyado taasoo noqotay halbeegii hoggaanka siyaasadeed. Nasiib darraduse waxay ku dul habsatay Digil iyo  Mirifle oo sacabbadooda iyo dhabannadoodu ay isku dhageen.

Lix gobol mise saddex gobol?
  Si aad u wayn ayay dadka dega lixda gobol ee koofur galbeed u soo dhoweeyeen dhismahii dowlad goboleedkii lixda gobol ka koobnaa ee Shabeelaha hoose, Bay, Bakool, Gedo, Jubbada hoose iyo jubada dhexe. dano gaar ahaaneed oo siyaasad ku qotonta aawadeed ayaa, iyadoo la adeegsanaayo awood shisheeye, mid xukuumadeed iyo dhaqaaleba la burburiay maamulkii lixda gobol oo uu ku geeriyooday ugu yaraan hal qof.

Odayaal lagu danaystay!
Caddaalad darradu waxay ka mid noqotay siyaabaha ugu habboon ee siyaasiga maanta uu wax ku maamulo si kursiga u muuqda aanu u seegin.
   Odayaal lagu xumeeyay laguna xaqiray jiritaankooda oo albaabadana looga xirtay shirkii lixda gobol ayaa furay shrikii baar bekiin oo habeennimadii inta odayaashii iyo ergadii xusulka lagu soo riixay la isu keenay aroornimadiina madaxweyne 3-gobol u doortay boos hayn ahaan '' Madeer'' oo ah walaalka Shariif Sakiin. Dadka qaar ma fiyooba, mise waxaa u daran uun jago iyo lacag, waa yahee maxay ku taageereen! Madaxweyne ku xigeen ma jiro baarlammaan ayaa waxaa la sameeyay muddo ka dib markii wasiirada la magacaabay.
  Madaxweyne, ku xigeenka iyo guddoomiye baarlammaan intaba sh. Sakiin ayaa Isku ah. 


















domenica 28 febbraio 2016

Intee sanadood ayay beeraleydu ku jiraan dhibaatada?

Hordhac
    Hadda ka hor ayaan wax ka qoray dhibaatada ka jirta degmada Afgooye iyo sababta keentay. qoraalkaygaas wuxuu cinwaankiisu ahaa: AFGOOYE, XAGAL KA MIDA JANNADII DHULKA. MUDNAAN LAHAANSHAHEEDA OO MARBA MARKA KA DAMBAYSA  MUGDI SII GALAYSA.  Maqaalkaygan ayaa haddana wuxuu ku saabsan yahay qodob kaasi la mid ah.
Eeg, Soomaaliya waa dal ku yaala Geeska Afrikada bari (corno dell'Africa orientale) waana dad muslimiin sunni ah. Dadka Soomaaliyeed waxay u kala qaybsamaan marka loo eego degaanka ay ku kala nool yihiin; reer wabi (beeraley), reer xeebeed iyo, reer guuraa (xoolo dhaqato). Soomaaliya waxaa mara laba webi oo la kala dhoho, Jubba iyo Sihabelle.  dadka dega degaan uu wabi maro ayaa la dhahaa reer wabi, balse degaanada uu maro wabi shabelle gaar ahaan gobolka shabeelaha hoose waxaa loo yaqaanaa dhoobeey dadkana waxaa loogu yeeraa reer dhoobeey.
     Afgooye, waxa uu  ka mid yahay degaanada uu maro wabiga shabelle dadkiisuna 85% waa beeraleey. waa dad muddo dheer lahaa is maamul dhaqaneed ay isku racsanaayeen qabaa'ilka uu ka kooban yahay dadka la isku yiraahdo Galadi iyo dadyowgii kale ee hoos iman jiray, waxaa ka dhisnaa saldanad ay u dhan tahay dhammaan hay'adihii asaasiga ahaa ee uu yeelan karo maamul ku dhisan kala dambayn iyo wada tashi.markii uu gumaysigii reer galbeedka uu soo caga dhigay degmada Afgooye ka dib ayaa waxaa bilaabmay liicitaankii saldanaddii xooga badnayd aadka looga yiqiinay Soomaaliya. waayo, falsafaddii reer galbeedka ee shirkii baarliin ee1884-tii oo ahayd qabi oo xukun ayaa ka hirgashay afgooye tuhun iyo kala shaki ayaa soo if baxay nidaamkii wada tashiga ku dhisnaana waxaad moodaa inuu burburay. taasna waxay keentay in indha lagu soo taago sidii loola wareegi lahaa dhul beereedkii.
 
GOORMA AYAY BILAABATAY QABSASHADA DHULBEEREEDKA IYO DHIBAATADA LAGU HAAYO BEERALEYDA?
 De Martino oo ka mid ahaa golaha odayaasha Talyaaniga (Senatore) ayaa waxaa loo soo magacaabay gonernor-ka Soomaaliya, xilligii La Somalia-Italiana. De martino oo samaystay qorshe ayaa nn D'Onor la yiraahdo oo khabiir dhanka beeraha ahaa uga yeertay dalka Talyaaniga,
Bishii febraayo 1910 kii ayuuna ka howlgalay Romolo D'Onor dhulbeereedkii dhanka shabeelaha hoose. Bishii Jannaayo 1911 kii Romo;o D'Onor wuxuu yimid Magaalada Afgooye, si fiican ayuuna xaaladda degaanka ugu kuur-galay. Markaasi waxaa bilaabmay gumaysi beereed. Oo dadkii degaanka u dhashay (indigenous) ayaa qasab looga dhigay inay ka shaqeeyaan beeraha.
Ma dhihi karnaa beeraleyda waxaa uu dhibkoodu soo bilaabmay 1910-neeyadii ? HAA !. 60 sanadood oo gumaysigii reer galbeedka (colonia Italiana) ahaa, 21 sanadood oo ahaa xilligii kacaanka iyo in ka badan 26 sanadood oo ahaa xilliyadii kala duduwanaa ee lagu jiray dagaaladii sokeeye. (Salballaar, xisbul islaam, shabaab, dowlado ku meel gaar iyo dowlad rasmi) ..  in ka badan 100 sanadood ayuu jiraa dhibka beeraleyda haysto.
   Sidee uga bixi karaan?.
Si beeraleydu uga baxdo dhibka haysta, laba arrimood ayaa u furan:
1. In ay is hubeeyaan oo ay la dagaalamaan  tuugada (mooryaanta) beerahooda haysta.
2. In ay sameeyaan bannaanbaxyo ay ku muujinayaan in beerahooda xoog lagu haysto dacwadna qoraan.
Haddii intaasi la waayo waxaa weli MUGDI ku sii jiraaya sheegashada mudnaanlahaanshaha Afgooye.
Nimaan hadlan hooyadii wa ma siiso.

Waxaa qoray:
Dr. Abdulrahim Ali Yusuf.