domenica 3 gennaio 2016

Hoyga Cabsida!


Aamusnaanta micnaheedu waa ka raali noqosho!
  Labaatan sanadood in ka badan shacabka degmada Afgooye Wuxuu u dulqaatay nooc kasta oo dhibaata ah, hadday noqon lahayd; dil, kufsi, dhac, handadaad, iyo.... iyo....iyo......
   26 ka sannadood oo uu waddankan burbursan yahay ma jiro, ugu yaraan hal qof oo degaanka u dhashay oo ka hadlay marka laga reebo faalooyinka (comments) la dhigo baraha internetka ee bulshada ku kulanto (social media). Yaa looga baahan yahay inuu ka hadlo ?degmada Afgooye waxay leedahay hoggaamiye dhadqameedyo, culumaa'uddiin,  aqoon yahanno, haween, dhallinyaro, oo laakiin midkoodna lahayn gole ay ku midaysan yihiin.
    Sabab?
Ma rabo inaan hadda ka hadlo waxyaabo hore u soo dhacay iyo shaqsiyaadkii xilliyadaas jiray midna, balse, tan iyo intii ay dhaceen dagaalladii sokeeye, falal qaab daran ayaa ku soo kordhay degaanka iyo bulshada dhexdeeda Labadaba, kuwaasoo aan ognahay inay abuureen ceeryaamo dadka kala dhex gashay, kala  shakina uu bilaabmay. Kadib?
La soco in aysan meesha ka marnayn la saaxibidda mooryaanta! Intaas kadib waxaa samaysmay kooxo danleey qorrax joogto ah islamarkaana isu qaabeeyay inay ayagu yihiin dadkii lagala tashan lahaa degaanka. Inta kale waxay ka gudbi waayeen buunda.
  Cabsi:
Qof kasta oo Isku daya inuu dadka wacyigeliyo waxaa lagu waaninayaa inuusan arrimahaasi faragashan oo niyadda ayaa laga dilaa Sidaas ayuu asagana ugu biirayaa hoyga cabsida!.
Xal:
Arrimahaas oo is wada biirsaday awgood aad bay u adag tahay in la raaco xal kasta oo la soo jeediyo. Si kastaba, xalka Wuxuu ku jiraa oo keliya in Gayiga Somaliya ay ka dhalato xukuumad awood badan oo hanata  awooda soona celiya kala dambaynta. Ama.........?

    
Dr. Cabdulraxiim Cali Yuusuf
Abudeqow@gmail.com /jiinjoogto@hotmail.com