venerdì 15 luglio 2016

Mudnaan lahaansho



                    Mudnaantaada mugdi bay gali haddaadan midoobin

 Sidii loola wareegay beerihii beeraleyda KGS

      HORDHAC.

Soomaaliya waa dal ku yaala geeska Afrikada bari (Il corno dell'Africa orientale) oo 99% dadkeedu ay yihiin Muslimiin sunni ah. Dadka Soomaaliyeed, marka loo eego degaanka ay deggan yihiin waxaa loo kala qaybiyaa: reer wabi, reer xeebeed iyo reer guuraa.
    Soomaaliya waxaa mara Laba wabi oo la kala yiraahdo jubba iyo shabelle. Wabiga shabelle ayaa wuxuu maraa gobollada Hiiraan, shabellaha dhexe iyo shabellaha hoose. Dadka dega degaan uu  wabi maro ayaa loogu yeeraa; reer wabi. Sidoo kale dadka (the indigenous) dega gobolka sh hoose gaar ahaan degaanada uu maro webiga waxaa mararka qaar loogu yeeraa; reer dhoobeey. hadda ka hor waxaan maqqaal sidan oo kale ka qoray sida ay u jirto koox kooxdu xilligii ay soo bilabatay iyo waxay dhalisay, qormadaas waxaan siiyay laba cinwaan oo midna guud ahaa;AFGOOYE, XAGAL KA MIDA JANNADII DHULKA. iyo cinwaanka ujeedada qormadaas oo ahaa; WAXA MARBA MARKA KA BAMBAYSA MUGDI SII GALAAYA MUDNAAN LAHAANSHAHEEDA.



Qorshahii Giacomo De Martino.

De Martino wuxuu ahaa nin ka tirsanaa golaha odayaasha Talyaaniga (senaore), oo Benito Mussolini uu u soo magacaabay xilligii dowladdii mustacmarada ee (La Somalia Italiana) inuu governatore uga noqdo. Ka dib wuxuu indhaha ku taagay dhulbeereedkii gobolka shabeelaha hoose, kadibna wuxuu talyaaniga uga yeertay nin khabiir xagga beeraha ahaa oo Romolo D'Onor la oran jiray 1910kii.
Jannaayo 1911-kii Romolo wuxuu gaaray Afgooye, dhowr jeer ayuu ku soo laablaabtay Afgooye oo uu si gaar ah isha ugu hayay. dhowr qoys oo beeraley ahaa oo laga keenay Talyaaniga ayaa kuwii ugu horeeyay la keenay Afgooye. Inkastoo dadka degaanka (reer dhoobeey) ay ka soo jeedeen haddana go'aankii gumaysiga ayaa ahaa (sistema a successo obbligatorio) in natiijadu noqoto mid ku timaada nidaam qasab ah. Afgooye ayaa laga  hirgeliyay beer tijaabo rasmi ah. ka dib qoysas fara badan ayaa Talyaaniga laga keenay kuwaasoo la  dejiyay dhoobeey oo ay Afgooye ka mid tahay, beero Aseendooyin (Aziende) waawayn bayna ka samaysteen iyagoo ay u adeegayeen dadka degaanka.

                                                                 Giacomo de Martino


    xilligii wesaayadda ( during trusteeship) 
       Ku soo noqoshadii gumaysigii Talyaaniga ee koofurta Soomaaliya 1950-kii, arrimo badan ayaa ku hoos jiray kuwaasoo gumaysigu rabay inuu meesha ka saaro ugana hor tago inaan la soo bandhigin xogag badan oo ku saabsanayd tacaddiyadii iyo dhibaatooyinkii gumaysigu ka gaystay gobollada kofureed gaar ahaan koofur galbeed (degaanada beeraleyda), iyo in sidii gumaysigu u sii haysan lahaa beerihii ay dejiyeen reerihii gumaysi (colonial family) ee la soo daad gureyay bilowgii gumaysi beereedka 1910-kii. Markii Ingiriisku yimid koofurta Soomaaliya, ayuu Ustaad Cusmaan Maxamed Xasan (Ustaad Cusmaan) u gudbiyay qoraal dheer oo dhowr bog ka koobnaa oo ku caddaa dhibaatooyinkii Talyaanigu ka gaystay Koofurta Soomaaliya (HUMAN RIGHTS VIOLATION).        ( Ku soo noqoshada Talyaaniga ee Koofurta Soomaaliya oo aan ku faahfaahin doono isla buugan) ayaa waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya la siiyo fursad si ay u helaan aqoon siyaasadeed iyo ismaamul.
  Heshiiskii qaramada midoobay (UN) ayaa ahaa; in maamulkii wesaayadda ee Talyaaniga  (AFIS-amministrazione Feduciaria Italo-Somalo) inay u diyaariso Koofurta Soomaaliya xornimo-siin toban (10) sano gudahood.
    1954, wada hadal dhex maray hay'ad Maraykan ahayd  oo la dhihi jiray AGENCY FOR INTERNTIONAL COOPERATION (AIC) oo markii dambena magaceedu isu beddelay AGENCY FOR INTERNATIONAL DEVELOPMENT (AID) iyo UNITED NATIONS DEVELOPMENT PROGRAM (UNDP), ayaa markaas Talyaanigu wuxuu bilaabay qorshe uu ku dardar-gelinaayo beeraha, qorshahan ayaa wuxuu sadex laabmay laga bilaabo 1954 tii ilaa 1960-kii.

                    

                                               







                                                                                                    



 xilligii dowladdii musuq-maasuqa (during the government of corruption)


















 Adan Cadde iyo Cabdirashiid C sharmaarke


1960-kii Somalia waxay gumaysigii reer galbeedka ka qaadatay xorriyad. si kastaba ha ahaatee  waxaa la dhisay dowlad ay Somali leedahay. Dowladdaas oo nafteedu ka soo if baxday gumaysigii talyaaniga waxay u adeegaysay Talyaaniga. isla markaana waxay kala qayb qaadatay boobka hantida dadka ee dhul-beereedka, madax badan oo dowladdaas ka mid ahayd amaba xataa xog-hayn ka noqday wuxuu beer ku yeeshay gobolka shabeelaha hoose (Afgooye). dad ka mid ahaa madaxdii dowladdii musuqmaasuqa ayaa beero waaweyn ku yeeshay gobolka habeelaha hoose                                                                              (Afgooye), sidee uga yeelan kareen.
 madaxweynihii maraykanka R. Nixon iyo
Cabdirashiid Cali Sharma'arke

   
  












  Xilligii kelitaliska (kacaanka)  (during dictatorship) revolutionary
 Xukuumaddii kali-taliska ahayd, si ay awood ugu yeelato ilaalinta dhaqdhaqaaqa reer guuraagii xoolo dhaqatada dib u dejin ayay ku samaysay sannadkii 1974-tii. gobolka shabeelaha hoose ayuu ahaa halkii dib-u-dejinta (rsettlement) loogu sameeyay (2 - 3 km). dadkaas waxaa la dhex dejiyay beeraleydii iyo kallumaysatadii si ay uga faa'iidaystaan 140,000 oo qoys, tani waxay la mid tahay markii gumaysigii Talyaaniga uu dalka talyaaniga ka keenay qoysas beeraley ahaa oo uu dejiyay dhul beereedyadii kana samaystay
shirkado waawayn oo beereed.. Bartamihii siddetameeyadii dowlaii dhexe waxay dhabarjebisay wax soo saarkii ugu muhiimsanaa ee gallayda iyo mesegada; laba sababood ayaa keenay dhabarjabkaasi, ta koowaad oo ahayd beeraleydii oo laba siyaabood loogala wareegay dhulbeereedkoodii iyadoo caga juglayn iyo lacagba la isugu dari jiray iyo ta labaad oo ahayd iyadoo si toos ahayd xoog looga qaadan jiray. Qayb (sector) yar oo abuurka mooska ahaa oo kaliya ayaa xilligaasi xooga la saaray iyadoo loo adeegsan jiray shirkadihii somalita iyo somalfruit iwm.



a) Xilligii abaaraha (abaartii daba-dheer)
    Ilaa 140.000 oo qofood aya tuulooyinkoodii (gobollada dhexe) laga soo daadgureeyay ka dib markii ay abaaro xoog badan ku dhufteen gobollada dhexe (abaartii dabadheer), dadkaas degaanadii la dejiyay waxaa ka mid ahaa; kurtun-waareey, sablaale iyo dujuuma dhul dhan 300 km oo isku wareeg ah. qaxootigaasi laga soo daad gureeyay gobollada dhexe waxay ka shaqayn jireen iskaashatooyinkii dowladda halkasoo markii dambe la siin jiray mushaarooyin. dadkaas oo ka faa'iidaystay shaqashaasi ayaa urursaday lacago waxayna dhex galeen dadkii degaanka (the indigenous), qaarkood waxay bilaabeen inay iskood u shaqaystaan qaarna xoolo ay dhaqdaan ayay dib u abuurteen. sidoo kale iskaashatooyinkii kalluumaysiga ayaa 1975 tii lagu aasaasay degmada baraawe.

b) qaabkii loola wareegay iyo xeerkii ka soo baxay
     Baahida dib-u-dejinta tiro intaa la'eg oo qaxooti reer guuraa ahaa, waxay soo jiidatay xukuumaddii kalitaliska, taasoo laba arrinba faa'iido ugu jirtay, ta koowaad oo ahayd maslaxadii maamulkaas ee xagga beeraha iyo ta labaad oo ahayd aragti ku aadanayd si reer guuraaga looga dhigo beeraley. Bartilmaameedkooda koowaad (primary target) ayaa ahaa la wareegidda beeraha.
Dadkii la rabay in la naasnuujiyo ayaa loo soo saaray xer u oggolaanayay inay si fudud ula wareegaan dhul beereed ayp leeyihiin dad. Marka hore is diiwaan gelin ayuu ka samaynaayay wasaaraddii beeraha (MOA), si uu u helo, waxa loogu teeri jiray,  xuquuqda intifaaca (usufruct rights), dadkaas waxaa la siin jiray dhul waraab ah oo dhamaa 30 hektar ama dhul roob oo dhamaa 60 hktar. Shirkado qaas ahaa (private companies) iyo hay'ado madax bannaan (autonomous agencies) ayaa si gaar ah loogu naas nuujin jiray. waxaa la mari jiray habraac (procedure) hoos imanaayay wareegto soo baxday 24 kii maajo 1987 oo ka bilaabanaayay warqad codsi oo loo qoranaayay isu-duwaha beeraha ee degmada (district agriculture officer- DAO) kaasoo bixinaayay tilmaan beersiinta.(guidelines for the giving farmlands). Dabadeed isuduwaha beeraha ee degmada ayaa warqadda codsiga u gudbinaaya xafiiska xoghayaha degmada, xafiiska guddoomiyaha degmada, saldhigga booliska, wasaaradda beeraha iyo xarunta tuulada, halka beerta laga rabo in lala wareego ay ku taalo. Soddon maalmood ka dib, guddi ka kooban sarkaalka qaybta waraabinta iyo isticmaalka dhulka ee degmada (oo la aasaasay 1988), boolis ka socda degmada iyo ninka la rabo in beerta loo xalaaleeyo, qof farshaxanka yaqaan iyo guddoomiyaha guddiga tuulada, halka beerta laga rabo, ayaa kulmaaya si ay u sharciyeeyaan codsigaasi, xuduudana loogu sameeyo sisharciga beerta farta looga saaro, kadib ayaa waxa loo sii gudbinaayay isuduwaha beeraha e gobolka ugu dambayntiina waxaa, si loogu xalaaleeyo loo gudbinaayay, wasaaradda beeraha xamar.

Xilligii hoggaamiye kooxeedka (mooryaanta)
       Sannadkii 1991-kii oo Soomaalidu u ahayd sannad madow, ayaa urur jabhadeedkii la dhihi jiray USC, ayaa inta dhallinyaro la soo hubeeyay iyagoo didaaya soo galay gobolka shabeelaha hoose ayagoo xambaarsanaa fikir gurracnaa oo ahaa in dalka laga xureynaayo daarood koox salballaar la dhihi jiray ayaa sal-dhigatay gobolka shabeelaha hoose iyagoo qori caaradiisa u adeegsaday dadkii degaanka oo filayay in dowladdii kacaanka ay beddeli doonto dowlad ka wanaagsan oo caddalad ugu adeegta ummada Soomaaliyeed. iskaba daaye dadka naftooda ayaaba ka baxan waayay oo dil, dhac, kufsi loo gaystay. Ka droo dibi dhal, waxaa dadka laga gadanaayay biyaha webiga, weliba beerahooda oo xooga looga haystay ayay ka shaqayn jireen. dhammaan beerihii dowladdii kacaanka magaceeda lagu dhacay ayay iyagan qori caaradiisa ku qabsadeen.
cirfe waa ka jaakadka madow xiran bakooradana wata






waxayna markiiba abbaareen beerihii oo ay xoog ku qabsadeen iyadoo dadkii u dhashayna ay indhaha ka daawanayeen. markii ay maxaakiimtu u soo dhaqaaqeen dhanka koofureed si ay u qaadaan jidgooyooyinkii yiilay koofurta, waxaay dadku la yaabeen sababtii loo qaadi waayay jidgooyooyinkii yiilay gobolka shabeelaha hoose !!.
xilligii maxaakiimta
    Marba shaar ayaa loo xiranayay dadka u dhashay gobolka shabeelaha hoose oo ahaa  kuwo aan hubaysnayn. markii nafta loo yaabay oo dhibaatadii ay ku baahday dalka colaadiina ay qof kasta gurigiisii ugu gashay (USC), ayaa si ay naftooda ammaan u helaan bilaabay inay xaafadaha ka furtaan meelo ay ugu magac dareen maxkamad. sidoo kale qabaa'ilkii ayaa wada samaystay maxkamad dabadeedna isbahaysi samaystay kaasoo ay ugu yeeri jireen isbahaysiga maxaakiimta.. is-bahaysigaasi wuxuu bilaabay inuu dhul ballaarsi sameeyo si uu u qabsado Soomaaliya una xukuma. 
Gobolka shabeelaha hoose oo iska dayacan waxaa qabsan jiray hadba kooxdii xoog badnaata, .maxaakiimta oo is bidaayay inay xoog ku qabsan karaan soomaaliya ayaa bilaabay inay u dhaqaaqaan gobollo kale si ay u dhulballarsadaan. isbaarooyinkii ugu badnaa ayaa yiilay gobolka sh. hoose. maxaakiimtana waxba kama ay qaban inay iska indho tiraan mooyaane.
indha cadde oo maxaakiimta ku biiray
gobolka sh. hoosena ku wareejinaya ururkii .maxaakiimta

.
   



 
    
 indha cadde iyo Shariif Axmed



xilligii xisbigii la oran jiray xisbul-islaam iyo al-shabaab
biyihii Ilaaheey geedaha u saaray reer shabeelaha hoose
   Alshabaab ayaa muddo lix sanadood ku dhowaad ah haysatay gobolka sh. hoose. dhibaatadii reer shabeelaha hoose ka dib markii ay awood u shegatay x. islaamka. wax is beddel ah oo reer shabeelaha hoose u yimidna ma jirin. shabeelaha.hoose wuxuu ahaa gobolka kaliya ee dadkiisu ay ka ahaayeen marti, waayo koox moryaan ah, koox diin sheegata iyo dowladba, hadba kooxdii gacanta u gasha ayaa ku amar taaglayn jiray. gobolka wuxuu had iyo jeer ahaa meel ay ku tartamaan dad aan ka soo jeedin.

maxaakiimta oo lagu wareejiyay diinsoor
xasan Daahir, Shariif Axmed iyo Shariif  xasan
 Xasan daahir, Cali dheere iyo Mukhtaar Roobow









markii dowladdii ku meelgaarka ahayd lagu soo dhisay Kenya 2004 tii, diidmo xooggan ayay maxaakiimta kala hortageen waxaana adkaatay in dowladdas timaado magaalada muqdisho. Lix bilood ka dib ayaa dowladdii KMG-ka ahayd waxaa soo hoggaamiyay oo xamar keenay dowladda Ethiopia oo xoog u sheegatay ururkii maxaakiimta waxayna si fudud ku qabsatay gobollada koofureed taasoo ku timid codsigii baarlamaanka Soomaaliya.

xilligii dowladdii KMG-ka ahayd
   
   dowladdii KMG-ka ahayd iyo ururkii maxaakiimta ayaa la isugu keenay magaalada jabuuti ee dalka Jabuuti. wada hadal kadib ayaa waxaa ka soo if baxday dowladii federaalka KMG ahayd.ka dib markii la dhisay baarlammaan ka kooban 500 oo xildhibaan.  ciidamo beeleed hor leh ayaa la keensaday gobolka shabeelaha hoose kuwaasoo iyagana dhib hor leh ku soo kordhiyay dadka iyo degaankaba.




                                                       waa socotaa....
                                                                                        waxaa qoray
 Dr. Cabdiraxiim Cali Yusuf


domenica 28 febbraio 2016

Intee sanadood ayay beeraleydu ku jiraan dhibaatada?

Hordhac
    Hadda ka hor ayaan wax ka qoray dhibaatada ka jirta degmada Afgooye iyo sababta keentay. qoraalkaygaas wuxuu cinwaankiisu ahaa: AFGOOYE, XAGAL KA MIDA JANNADII DHULKA. MUDNAAN LAHAANSHAHEEDA OO MARBA MARKA KA DAMBAYSA  MUGDI SII GALAYSA.  Maqaalkaygan ayaa haddana wuxuu ku saabsan yahay qodob kaasi la mid ah.
Eeg, Soomaaliya waa dal ku yaala Geeska Afrikada bari (corno dell'Africa orientale) waana dad muslimiin sunni ah. Dadka Soomaaliyeed waxay u kala qaybsamaan marka loo eego degaanka ay ku kala nool yihiin; reer wabi (beeraley), reer xeebeed iyo, reer guuraa (xoolo dhaqato). Soomaaliya waxaa mara laba webi oo la kala dhoho, Jubba iyo Sihabelle.  dadka dega degaan uu wabi maro ayaa la dhahaa reer wabi, balse degaanada uu maro wabi shabelle gaar ahaan gobolka shabeelaha hoose waxaa loo yaqaanaa dhoobeey dadkana waxaa loogu yeeraa reer dhoobeey.
     Afgooye, waxa uu  ka mid yahay degaanada uu maro wabiga shabelle dadkiisuna 85% waa beeraleey. waa dad muddo dheer lahaa is maamul dhaqaneed ay isku racsanaayeen qabaa'ilka uu ka kooban yahay dadka la isku yiraahdo Galadi iyo dadyowgii kale ee hoos iman jiray, waxaa ka dhisnaa saldanad ay u dhan tahay dhammaan hay'adihii asaasiga ahaa ee uu yeelan karo maamul ku dhisan kala dambayn iyo wada tashi.markii uu gumaysigii reer galbeedka uu soo caga dhigay degmada Afgooye ka dib ayaa waxaa bilaabmay liicitaankii saldanaddii xooga badnayd aadka looga yiqiinay Soomaaliya. waayo, falsafaddii reer galbeedka ee shirkii baarliin ee1884-tii oo ahayd qabi oo xukun ayaa ka hirgashay afgooye tuhun iyo kala shaki ayaa soo if baxay nidaamkii wada tashiga ku dhisnaana waxaad moodaa inuu burburay. taasna waxay keentay in indha lagu soo taago sidii loola wareegi lahaa dhul beereedkii.
 
GOORMA AYAY BILAABATAY QABSASHADA DHULBEEREEDKA IYO DHIBAATADA LAGU HAAYO BEERALEYDA?
 De Martino oo ka mid ahaa golaha odayaasha Talyaaniga (Senatore) ayaa waxaa loo soo magacaabay gonernor-ka Soomaaliya, xilligii La Somalia-Italiana. De martino oo samaystay qorshe ayaa nn D'Onor la yiraahdo oo khabiir dhanka beeraha ahaa uga yeertay dalka Talyaaniga,
Bishii febraayo 1910 kii ayuuna ka howlgalay Romolo D'Onor dhulbeereedkii dhanka shabeelaha hoose. Bishii Jannaayo 1911 kii Romo;o D'Onor wuxuu yimid Magaalada Afgooye, si fiican ayuuna xaaladda degaanka ugu kuur-galay. Markaasi waxaa bilaabmay gumaysi beereed. Oo dadkii degaanka u dhashay (indigenous) ayaa qasab looga dhigay inay ka shaqeeyaan beeraha.
Ma dhihi karnaa beeraleyda waxaa uu dhibkoodu soo bilaabmay 1910-neeyadii ? HAA !. 60 sanadood oo gumaysigii reer galbeedka (colonia Italiana) ahaa, 21 sanadood oo ahaa xilligii kacaanka iyo in ka badan 26 sanadood oo ahaa xilliyadii kala duduwanaa ee lagu jiray dagaaladii sokeeye. (Salballaar, xisbul islaam, shabaab, dowlado ku meel gaar iyo dowlad rasmi) ..  in ka badan 100 sanadood ayuu jiraa dhibka beeraleyda haysto.
   Sidee uga bixi karaan?.
Si beeraleydu uga baxdo dhibka haysta, laba arrimood ayaa u furan:
1. In ay is hubeeyaan oo ay la dagaalamaan  tuugada (mooryaanta) beerahooda haysta.
2. In ay sameeyaan bannaanbaxyo ay ku muujinayaan in beerahooda xoog lagu haysto dacwadna qoraan.
Haddii intaasi la waayo waxaa weli MUGDI ku sii jiraaya sheegashada mudnaanlahaanshaha Afgooye.
Nimaan hadlan hooyadii wa ma siiso.

Waxaa qoray:
Dr. Abdulrahim Ali Yusuf.

domenica 3 gennaio 2016

Hoyga Cabsida!


Aamusnaanta micnaheedu waa ka raali noqosho!
  Labaatan sanadood in ka badan shacabka degmada Afgooye Wuxuu u dulqaatay nooc kasta oo dhibaata ah, hadday noqon lahayd; dil, kufsi, dhac, handadaad, iyo.... iyo....iyo......
   26 ka sannadood oo uu waddankan burbursan yahay ma jiro, ugu yaraan hal qof oo degaanka u dhashay oo ka hadlay marka laga reebo faalooyinka (comments) la dhigo baraha internetka ee bulshada ku kulanto (social media). Yaa looga baahan yahay inuu ka hadlo ?degmada Afgooye waxay leedahay hoggaamiye dhadqameedyo, culumaa'uddiin,  aqoon yahanno, haween, dhallinyaro, oo laakiin midkoodna lahayn gole ay ku midaysan yihiin.
    Sabab?
Ma rabo inaan hadda ka hadlo waxyaabo hore u soo dhacay iyo shaqsiyaadkii xilliyadaas jiray midna, balse, tan iyo intii ay dhaceen dagaalladii sokeeye, falal qaab daran ayaa ku soo kordhay degaanka iyo bulshada dhexdeeda Labadaba, kuwaasoo aan ognahay inay abuureen ceeryaamo dadka kala dhex gashay, kala  shakina uu bilaabmay. Kadib?
La soco in aysan meesha ka marnayn la saaxibidda mooryaanta! Intaas kadib waxaa samaysmay kooxo danleey qorrax joogto ah islamarkaana isu qaabeeyay inay ayagu yihiin dadkii lagala tashan lahaa degaanka. Inta kale waxay ka gudbi waayeen buunda.
  Cabsi:
Qof kasta oo Isku daya inuu dadka wacyigeliyo waxaa lagu waaninayaa inuusan arrimahaasi faragashan oo niyadda ayaa laga dilaa Sidaas ayuu asagana ugu biirayaa hoyga cabsida!.
Xal:
Arrimahaas oo is wada biirsaday awgood aad bay u adag tahay in la raaco xal kasta oo la soo jeediyo. Si kastaba, xalka Wuxuu ku jiraa oo keliya in Gayiga Somaliya ay ka dhalato xukuumad awood badan oo hanata  awooda soona celiya kala dambaynta. Ama.........?

    
Dr. Cabdulraxiim Cali Yuusuf
Abudeqow@gmail.com /jiinjoogto@hotmail.com