lunedì 10 agosto 2015

TIMIRTA



Fa'iidada cunidda Timirta.

      1. Timirtu wax cholesterol ah ma lahan, dufantana kuma badna waxaa kabuuxa fitamiino (vitamins) iyo macaadin (minerals).
     
      2. timirta waxaa ka buuxa borotiin (proteins) iyo fitamiinada kala ah, B1, B2, B3  B5 iyo A1 iyo Ac.

     3. Waxay wanaajisaa dheefshiidka.

     4. waxay dhalisaa tamar waayo, waxaa ku jira sokorta dabiiciga ah sida:guluukoos-ta (glucose), sarkoos-ta (sucrose) iyo faruktoos-ta (fructose), si timirta faa'iido badan looga helo waxaa lagu daraa caano (haddii aad heli karto caano ari), markaas waxay kuu noqonaysaa cunto fudud oo nafaqo leh.

     5. Timirta waxaa ka buuxa botaasiyam (Potassium) oo waxay u roon tahay oo ay nidaaminaysaa habdhiska dareenka. Waxaa la ogaaday haddii botaasiyamta la qaato ilaa xad cayiman (to a certain extent) waxay yareynaysaa dhib ku yimaada maskaxda. Timirtu waxay hoos u dhigaysaa      (LDL cholesterol low-density lipoprotein).
    
     6. Timirta waxaa ku jira xaddi aad u badan oo birta ah (Iron) waxayna daawo u tahay dhiig yaraanta (anaemia). Timirta waxaa kaloo ku jira foloriin (fluorine)  tasoo aad dib uGu dhigaysa ilkaha oo jajaba.

     7. Timirtu waxay wax u tartaa dadka calooshu fadhido, si timirtu u noqoto mid waxtar badan dhex-dhig dareere (biyo ama caano) habeenkii oo dhan subaxiina caano ku shiid kuna dar malab iyo hayl shiidan dabadeed cab.

     8. Timirta waxay kordhisaa rabitaanka galmada, gacan mugged oo timir ah caano ari kula dhig habeenkii oo dhan.

     9. Timirtu waxay faa'iido u leedahay dadka caatada ah.

   10. Timirtu waxay dawaysaa kansarka ubucda ama caloosha (abdominal cancer). wanaaga timirta waa inaysan wax saamayn ah ku lahayn xagga jirka, waa dabiici kana fiican dawooyinka, waxay sidoo kale hagaajinaysaa aragga, oo waxaa lagu dawayn karaa hamiinisowga (night blindness).

timir


                                                                       



                                                                        Dr. Abdulrahim Ali Yusuf
                                                                     e-mail: ayfo_org@yahoo.com

2 commenti: