domenica 9 agosto 2015

Akhri waxa dhacaayo haddii aad biyaha qumbaha cabtid 7 maalmood

Dadku, inta badan waxa ay sheegaan in biyaha qumbaha uu saamayn cajiib leh uu ku yeelan karo caafimaadkeena.
   waxaad maqmaqli jirtay wanaaga saliida qumbaha iyo faa'iidooyin kale oo uu yeelan karo qumbaha. qoraalkan ayaa waxaad ka baran dontaa faa'iidooyinka waawayn ee biyaha qumbaha ay leeyihiin oo laga yaabo inaadan weligaaba maqlin. Waayadan dambe biyaha qumbaha aad ayaa looga isticmaalaa adduunka. caadi ahaan si fudud ayaa looga helaa suuqyada.
   Dhadhan ahaan biyha qumbaha ma fiicna, laakiin inay saafi yihiin caafimaadkana faa'iido u leeyihiin dood kama taagna.
                             
    Faa'iidada biaha qumbaha.
        Biyaha qumbaha waxay xoojiyaan awooda difaaca jirkaaga (your immune system) waxayna burburiyaan bacteeriyada keenta jeermiska (infection) habdhiska kaadida, gonorrea (jabtada). cudurka ku dhaca cirridka iyo fayraska keena xummadda, iyo cudurrada caloosha. waxay horumaryaan tamartaada, waxayna hagaajiyaan soo saaridda hoormoonada ee qanjirada thyroid. Biyha qumbaha waxay aad u taageertaa nadiifinta habdhiska kaadida iyo marinnada kaadi haysta (the bladder channels), sunta (toxins), dhagaxyda kelyaha ku jirana waa la burburin.
    Biyaha qumbaha waxaa ku jira xaddi badan oo fiber ah kuwaasoo wanaajinaaya habdhiska dheefshiidka. Haddii biyaha qumbaha si caadi ah loo isticmaalo waxaa meesha ka baxaaya (gastric acid) gaaska. heerka dufantiisa oo aad u hooseeya darteed wax badan baad ka cabi kartaa biyaha qumbaha waxayna yraynayaan rabitanka badan ee cuntada (appetite) waxaad iska ahaanaysaa qof dheregsan taasoo yareynaysa culayskaaga (losing weight), suufka biyaha qumbaha ku jira ridiq dabadeenda saar haddi aa findoob ( acne) ka cabanaysid. haddii aad dareemaysid maqaarkaaga oo qalalan biyha qumbaha waxay maqaarka ka dhigaan mid aad u nadiifsan oo jilicsan (fresher), duleelada mqaarkana way furmayaan. Haddii aad ku qsto saliida saytuunka (olive oil) waxaa nadiifsamaaya xubnaha jirkaaga iyo sidii meesha looga saari lahaa deris-ku-noolaha xiidmaha (bowel parasites). Cabitaanka biyaha qumbaha xillia uurka waxay xal u noqonayaan qaar ka mida xanuunada koob biyaha qumbaha ah wuxuu dheeli-tirayaa electrolytes-ka jirkaaga. La soco dheelitiran la'aanta electrolyte-ka jirkaaga wuxuu keenayaa dhiig-kar sare (hypertension), haddii aad rabto in mar walba jirkaagu iftiimo cab koob biyaha qumbaha ah. haddii tamar badan (more energy) aad lumisay adoo jimicsanaaya ama aad howlo kale qabatay, waxay tamartaada ku soo noqon kartaa adoo caba biyaha qumbaha. Biyaha qumbaha waxay ku siinayaan hab difaac xoog badan, bakteeriyada iyo infakshanka (infection) oo laga nabad galo iyo faa'iidooyin badan oo caafimaadka ku shuqul leh.

                                                                                             
                                                                           
                                                                                               Dr. Abdulrahim Ali Yusuf
                                                                                                    ayfo_org@yahoo.com

Nessun commento:

Posta un commento